Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
By Mohamud - 2026-03-19 17:03:27 - [General]
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah u qaaday tallaabo ciidan oo culus, iyadoo cutubyo gaar ah oo ka tirsan kuwa Haramcad loo daabulay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, xilli uu sii xoogeysanayo khilaaf siyaasadeed oo ba’an oo u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba.
Bioqolaal askari ayaa maanta oo khamiis diyaarad looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Ciidamadan ayaa la filayaa inay halkaas ka bilaabaan dhaqdhaqaaqyo amni oo xooggan, isla markaana xoojiyaan ciidamada horey ugu sugnaa.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in qaybtii ugu horreysay ee ciidamadan lagu qaaday diyaarad nooca Fokker 50, taas oo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay dardargelinta howlgalka. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah adkeynta gacan ku haynta Baraawe iyo deegaanada ku dhow, iyadoo qorshuhu yahay in saameyntaas lagu fidiyo illaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, xalay lagu amray inuu diyaariyo ilaa 1,100 askari oo laga soo xulayo qeybaha kala duwan ee ciidamada, si loogu xoojiyo howlgalka ka socda Koonfur Galbeed.
Tallaabadan militari ayaa ku soo beegantay xilli uu sii kululaanayo hadal-heynta siyaasadeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dhawaan si kulul ugu eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeysay dagaallo ka dhacay gobolka Baay. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jirto is-waafajin ajande oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, eedeyn culus oo sii hurisay xiisadda taagan.
Wararka ayaa tilmaamaya in hub la sheegay in si qarsoodi ah loo geliyay gacanta kooxda Al-Shabaab, kadibna loo gudbiyay degmada Buurhakaba, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubeysan, arrin sii murjisay xaaladda amni.
Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa hadda u muuqata mid maraysa heer halis ah, iyadoo laga dareemayo meelo badan abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.
Guud ahaan, xaaladdu weli waa mid cakiran, mana cadda sida ay wax u jihaysan doonaan, gaar ahaan iyadoo khilaafkan uu kusoo aaday waqti xasaasi ah oo ay horey u jireen muranno la xiriira doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka dastuurka, kaas oo dhowaan la ansixiyay isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
share on
Kindly Login or Register to comment and like and earn
Comments (0)
Others are reading
Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
