Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin

By - - [Sports]

Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa aaminsan in Dominik Szoboszlai uu noqon karo mustaqbalka kabtanka kooxda, isla markaana ay muhiim tahay in lagu sii hayo booskiisa dabiiciga ah ee khadka dhexe si uu si dhab ah ugu iftiimo.


Tani waxay timid kadib bandhig cajiib ah oo uu sameeyay ciyaaryahanka Hungarian-ka ah kulankii UEFA Champions League oo ay Liverpool 4-0 kaga badisay Galatasaray.


Ciyaaryahanka 25-jirka ah ayaa dhaliyay goolka furitaanka lugtii labaad ee wareegga 16-ka ee ka dhacday Anfield, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka kulanka. Liverpool ayaa u gudubtay wareegga xiga iyagoo guud ahaan ku badiyay 4-1, waxayna haatan la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain wareegga siddeed dhammaadka.


Isagoo la hadlayay TNT Sports, Gerrard ayaa ammaanay horumarka Szoboszlai tan iyo markii uu yimid kooxda. Wuxuu yiri:


“Waxaan u arkaa inuu leeyahay awood uu kabtan ku noqon karo. Sida uu u ciyaarayo, joogteyntiisa iyo maskaxdiisa… hadda aad buu u fiican yahay, kalsooni buuxdana wuu leeyahay.”


Gerrard ayaa sidoo kale tilmaamay orodkiisa gudaha sanduuqa, darbooyinkiisa xooggan, iyo sida uu ugu dhowaaday inuu xiro seddexleey kulankii Galatasaray, isagoo sheegay in tijaabooyinka boosaska kale; sida inuu mararka qaar ka ciyaaro daafaca midig ay dib u dhigayso horumarkiisa.


“Ku hay booskiisa saxda ah, u daa inuu iftiimo,” ayuu Gerrard ku yiri Slot. “Waxaan weli u maleynayaa inuu leeyahay heer kale oo uu gaari karo. Waxaan arkaa inuu dhalin karo goolal badan haddii uu si joogto ah uga ciyaaro booska 8/10.”


Szoboszlai, oo xirta lambarka caanka ah ee 8-aad ee uu hore u xiran jiray Gerrard, ayaa sheegay in isbarbardhiggaasi yahay “ammaan wanaagsan,” isla markaana ay tahay dhiirigelin uu ka helay halyeeygiisii carruurnimada.




Facebook     Twitter     WhatsApp     Telegram


Kindly Login or Register to comment and like and earn

Comments (0)


No comments for this post

Others are reading



Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.