Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha

By - - [General]

Dowlada Qatar ayaa caawa Person nona grata u qortay diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan dalkeeda iyagoo lagu amray iney dalka 24 saac gudahooda kaga baxaan.

Talabadan ayaa timid ka dib markii Iiraan ay caawa qaaday tallaabo culus oo ay ku beegsatay magaalada warshadaha ee gaaska Qatar ee Ras Laffan, oo ah meesha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaasi ku tiirsan yahay.

Saameynta weerarkan si dhaqso ah ayaa looga dareemay gudaha Qatar, iyadoo Doha ay isla markiiba ku jawaabtay go’aan adag oo ay ku cayrisay saraakiisha milatariga iyo amniga ee safaaradda Iiraan. Taasi waxay muujinaysaa in arrintu ay ka gudubtay weerar caadi ah oo militari, oo ay gashay heer siyaasadeed iyo mid istaraatiiji ah.

Ras Laffan muhiimaddeeda lama dhayalsan karo. Halkaas ayaa laga maamulaa inta badan gaaska Qatar, oo ah dal ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gaaska dabiiciga ah dhoofiya. Gaaskaas wuxuu ka yimaadaa kaydka ugu weyn gaaska adduunka ee North Field, oo Qatar ay la wadaagto Iiraan (South Pars). Sidaas darteed, wax kasta oo Ras Laffan ka dhaca, saameyntu ma joogsanayso gudaha Qatar, waxay si toos ah u gaareysaa suuqyada tamarta ee dunida.

Haddii wax soo saarka halkaas uu hakad galo, qiimaha gaaska si degdeg ah ayuu u kici karaa. Taasi waxay taabanaysaa korontada, warshadaha, iyo guud ahaan nolosha dalal badan. Yurub oo hore uga soo wareegtay gaaska Ruushka ayaa si gaar ah ugu tiirsan Qatar, sidoo kale dalalka Aasiya sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidaas darteed, Ras Laffan waa meel si weyn u saameysa xasilloonida dhaqaale ee caalamka.

Weerarkan wuxuu muujinayaa wax ka duwan wixii hore loo arkayay. Iiraan waxay u muuqataa inay ka gudubtay bartilmaameedyo militari oo keliya, oo ay si toos ah u taabanayso meelaha dhaqaalaha laf-dhabarta u ah, ujeedkuna waa haddii la cadaadiyo Iiraan, iyaduna waxay awood u leedahay inay dhaawacdo meelaha ugu xasaasisan ee tamarta.

HOOS KA DAALACO QORAALKA QATAR OO AF SOOMAALI KU TURJUMAN

Tarjumid (Af-Soomaali):

Wasaaradda Arrimaha Dibadda – Dowladda Qatar

Dowladda Qatar waxay ku dhawaaqday in lagu tilmaamay shaqsiyaad aan la rabin (persona non grata) ku xigeenka milatari iyo ku xigeenka amniga ee Safaaradda Iran, iyo sidoo kale shaqaale kale oo ka tirsan safaaradda.

Doha – 18 Maarso 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa gudbisay qoraal rasmi ah oo loo diray Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, kaas oo lagu caddeeyay in ku xigeenka milatariga, ku xigeenka amniga, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda lagu tilmaamay “shaqsiyaad aan la rabin,” lagana dalbaday inay ka baxaan dalka muddo 48 saacadood gudahood ah.

Arrintan ayaa timid kadib kulan uu la yeeshay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar safiirka Iran ee dalkaasi, kaas oo lagu gaarsiiyay go’aankan rasmiga ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan uu ku saleysan yahay eedeymo la xiriira ku lug lahaanshaha shaqsiyaadkaas falal aan waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee hagaya howlaha diblomaasiyadda.

Qatar waxay sidoo kale muujisay in falalkaas ay jebinayaan heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan xeerarka nidaaminaya xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa xaqiijisay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo madax-bannaanida dalka iyo amniga qaranka, iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah.




Facebook     Twitter     WhatsApp     Telegram


Kindly Login or Register to comment and like and earn

Comments (0)


No comments for this post

Others are reading



Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.