Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP.
By Mohamud - 2026-03-19 17:07:38 - [General]
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu gebi ahaanba isaga baxay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Laftagareen uu si rasmi ah uga tanaasulay xubinnimadiisii xisbiga, iyo sidoo kale xilkii uu ka hayay ee guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad-goboleedyada. Sida uu sheegay afhayeenka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi, madaxweynuhu wuxuu go’aankan qaatay xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed uu saxiixay Laftagareen, kaas oo si cad u muujinaya is-casilaaddiisa.
“Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo xubin ka ahaa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ahna guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo dowlad-goboleedyada, waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa inuu iska casilay xilalkaas,” ayuu yiri afhayeenku.
Is-casilaaddan ayaa ku soo beegantay xilli ay maamulka Koonfur Galbeed horey ugu dhawaaqeen inay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo ay si kulul uga falcelisay dowladda dhexe.
Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo la soo wariyay in garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport lagu xanibay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo kusii jeeday Baydhaba.
Khilaafkan cusub ayaa imaanaya xilli horeyba ay u jireen muranno siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka federaalka iyo wax ka beddelka dastuurka, kaas oo uu dhawaan ansixiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Guud ahaan, xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid sii cakiranaysa, iyadoo deegaano ka tirsan ay ka dhacayaan iska horimaadyo hubeysan, halka kuwo kalena laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.
share on
Kindly Login or Register to comment and like and earn
Comments (0)
Others are reading
Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
