Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin”
By Mohamud - 2026-03-19 17:08:53 - [Sports]
Weeraryahanka Liverpool, Hugo Ekitike, ayaa si weyn u ammaanay saaxiibkiis Mohamed Salah kadib guushii 4-0 ee ay ka gaareen Galatasaray ee UEFA Champions League.
Guushaas waxay Salah ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee dhaliya 50 gool tartankan, taasoo ah rikoor weyn oo taariikhi ah.
Ekitike wuxuu yiri Salah waa “halyeey,” isagoo xusay in inkastoo dadku mararka qaar dhahaan xilli ciyaareed adag ayuu ku jiraa, haddana ciyaartoyda la ciyaarta ayaa si fiican u garanaysa tayadiisa.
Wuxuu si gaar ah u tilmaamay sida Salah uu weli u caawinayo kooxda, isagoo ka helay kubbad fiican oo sababtay gool, taasoo muujineysa maskaxdiisa ciyaareed iyo kalsoonidiisa xitaa marka uu fursado badan seego.
Ekitike ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay rikoodhka Salah, isagoo ku booriyay kooxda inay sii wadaan qaab ciyaareedkan heerka sare ah kulamada soo socda.
share on
Kindly Login or Register to comment and like and earn
Comments (0)
Others are reading
Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
