Lafta-gareen oo shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay dhowr qodob
By Mohamud - 2026-03-18 19:13:56 - [General]
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa shir jaraa’id qabtay, wuxuu si cad ugu dhawaaqay in ay xariirkii ay lalahaayeen dawladda Faderaalka ay jareen oo meesha ka saareen, ka dib markii ay DFS u dhaqantay si ka baxsan xadka dawladnimada, burburinta Nidaamka Faderaalka ee dalka ku dhisan yahay, halis amni-na ay buurtay.
Wuxuu sheegay in ay dawladda Faderaalka ka shaqeynayso kala geynta dalka, Midnimadu aysan qiimo ugu fadhiyin, madaxweyne Xassan Sheikhna diiday talooyinka waxgalka ah & in daruufaha adag wadajir looga gudbo.
Madaxweynaha KG ayaa ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin madax banaanida deegaankooda, hubeynta maleeshiyaad & abaabulka wax ugu yeeray kooxo aan katirsaneyn nidaamka dawliga ah ayuu ku eedeeyey dawladda Faderaalka.
Talaabada ay qaadena ay tahay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin oo aysan gorgortan ka galeynin.
share on
Kindly Login or Register to comment and like and earn
Comments (0)
Others are reading
Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
