Netanyahu oo amray beegsiga hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Ali Khamenei
By Mohamud - 2026-03-19 15:39:54 - [General]
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in uu amar ku bixiyay in bartilmaameed laga dhigto hoggaamiyaha sare ee tirsan Iran, Mojtaba Ali Khamenei, oo haatan ka mid ah dadka ugu saameynta badan nidaamka Tehran.
Netanyahu oo ka hadlayay kulan ay yeesheen golihiisa dagaalka ayaa sheegay in Israa’iil ay si dhow ula socoto dhammaan dhaqdhaqaaqyada Mojtaba Ali Khamenei, isla markaana uu hadda ka mid yahay shaqsiyaadka ay si gaar ah u baadi-goobayaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay horumar ka gaartay beegsiga xubno muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka sare ee nidaamka Iran.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa shacabka Iran ugu baaqay inay jidadka isugu soo baxaan si ay u ridaan nidaamka hadda ka jira dalkaas, balse ilaa hadda baaqaas lama arag dad si muuqata uga falceliyay ama soo dhaweeyay.
Hadalka Netanyahu ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Iran ay sii kordhayso, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan hanjabaado iyo eedeymo.
share on
Kindly Login or Register to comment and like and earn
Comments (0)
Others are reading
Steven Gerrard Oo Arne Slot Ka Codsaday In Szoboszlai Boos Aan Booskiisa Ahayn Laga Ciyaarsiin Ingiriiska Oo Taariikh Xun Ka Sameeyay Champions League Hugo Ekitike: “Salah Waa Laacib Aan La Xaqiri Karin” Madaxweyne Laftagareen oo iska casilay xilkii uu ka haayay xisbiga JSP. Maraykanka oo duqaymo cusub ka fuliyay buuralayda Goolis. Qatar oo dalkeeda ka ceyrisay Saraakiil ka tirsan Safaarada Iran ee Doha Falastiiniyiin ku dhintay weerar ay qaaday Iran. Trump oo ka qoomamayna weerarkii lagu qaaday xarumaha Tamarta Iran. Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iiraan Kuna Baaqday Xasillooni. Dowladda oo ciidamo ku daabulaysa deegaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.
